Bannaanbaxyo Saaka Ka Billawday Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

0
498

Bannaanbaxyo Saaka Ka Billawday Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

waxaa saaka qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ka billawday bannaaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dad shacab ah, kuwaasi oo lagu arkayo qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Isgooysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa dad shacab ah oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxweyne maxamed Cabdullaahi farmaajo, waxaana bannaanbaxu uu ka billawday  inta u dhexeeyso Isgoosyada Dabka illaa Sayidka ee Wadada Maka Al Mukara.

Horay bannaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo ayaa ka dhacay magaalada muqdisho, waxaana inta abdan bannanbaxyadaasi soo qaban-qaabiyay Musharixiinta Mucaaradka ah, iyadoo horay ay Ciidanka dowladdu ay u kala eryeen dad shacab ah oo bannaanbaxyo ka dhan ah farmaajo dhigayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here