Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay qaraar ay ciidamo ugu soo dirayaan Soomaaliya

0
50

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay qaraar ay ciidamo ugu soo dirayaan Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay qaraar dhawaan u gudbiyay Madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo dhigayay in ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya.Q

Qaraarka ayaa tilmaamaya in muddo labo sano ah ee ciidamada Turkida ay joogi doonaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa ujeedkeeda ugu muhiimsan noqon doona in ay Soomaaliya ka taageeraan howlgallada lagu lagu xaqiijinayo amniga, ka hortaga burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, dhammaan noocyada tahriibka iyo khataraha kale.

Waxaa la filayaa in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiye in ay dhaqan galiyaan Qaraarka ay Baarlamaanka Turkiga ansixiyeen.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.