Axmed Madoobe oo qaatay shahaadada diiwaan gelinta Musharaxnimada Madaxweynaha

0
524

Axmed Madoobe oo qaatay shahaadada diiwaan gelinta Musharaxnimada Madaxweynaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo wariyeyaasha kula hadlayay bannaanka Xarunta Guddiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ayaa sheegay inuu maray hannaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay Musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin.

Waxaa uu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha, balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hoggaansamo waxaa uu intaas ku daray in dhammaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasilloonida guud.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ka soo qayb qaatay halgankii Jubbaland loo soo maray ayuu ku booriyay in ay dib u eegan halka laga yimid iyo dhibkii loo soo maray dhismaha Jubbaland, isla markana aanay u durbaan tumin shaqsiyaad kor ka yimid oo aan ka warqabin duruufaha dadka reet Jubbaland.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in sida haatan wax ku socdaan ay keeni karto in Jubbaland ay yeelato labo Madaxweyne iyo labo Baarlamaan, iyagoo salluugsanaa qaabka Guddiga doorashada wax u wado.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa inay dhacdo todobaadyada soo socda, iyadoo si aad ah isha loogu haayo natiijada doorashada oo haddii mar kale la doorto Axmed Madoobe ay noqon karto mid wax ka go’aamin karta doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here