Axmed Madoobe oo kismaayo dib ugu laabtay kadib fashilka Shirkii Muqdisho

0
37

Axmed Madoobe oo kismaayo dib ugu laabtay kadib fashilka Shirkii Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, kadib markii uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa isaga baxay shirka kadib markii ay dowladda federaalka iyo isaga isku mari waayeen qodobo dhowr ah, oo ay ugu muhiimsan tahay arrinta doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee khilaafka keenay uu ahaa qaabka doorashada. Axmed Madoobe ayaa kasoo horjeestay in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, taas beddelkeedana wuxuu ku dooday inuu dalka u baahan yahay doorasho dadban, maadaama uusan waqtigan diyaar u ahayn in laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah. Xogaha ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta isku dayga in la qabto doorasho aan waafaqsaneyn xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka.


Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay miiska keentay qorshe ah in la qabto doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay wehliso muddo kororsi oo dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada loogu daro xilli dheer ah si ay u maareeyaan hannaanka doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe ayaa gabi ahaanba ka hor yimid qorshahaasi, isaga oo ku tilmaamay mid aan sharciyad lahayn oo dhaawici kara wadajirka dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Shirkii Wadatashiga Qaran ayaa horay waxaa uga maqnaa maamulka Puntland, iyadoo madaxweyne Deni uu ka gaabsaday inuu ka qeybgalo shirkan sababo la xiriira khilaafaad hore oo dhexyaallay isaga iyo Villa Soomaaliya. Hadda, Axmed Madoobe ayaa isna ka baxay shirka, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada uu sii xumaado.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankooda si cad uga horyimid muddo kororsi la sheegay inay qorsheyneyso Villa Soomaaliya, iyagoo taageeray mowqifka Axmed Madoobe. Madaxdan mucaaradka ah ayaa ku tilmaamay muddo kororsiga mid dhaawacaya nidaamka dimuqraadiyadda iyo wadajirka qaranka, waxayna ku baaqeen in dowlad-goboleedyada kale ay la safaan Axmed Madoobe oo ay kasoo horjeestaan qorshayaal kasta oo sharci-darro ah.

Isku dayada siyaasadeed ee ku hareereysan arrinta doorashooyinka ayaa hadda u muuqda kuwo mar kale keeni kara jahwareer siyaasadeed, iyadoo aan la shaacin goorta ay madaxdu dib isugu soo laaban doonaan si ay uga hadlaan qodobada harsan. Wada-hadallada mustaqbalka ayaa ku xirnaan doona sida xal waara looga gaari karo khilaafaadka hadda jira iyo sidii looga fogaado in dalka uu dib ugu noqdo xaalad fowdo ah oo saameyn ku leh geeddi-socodka doorashooyinka.