Axmed Madoobe & Labo Musharrax oo maanta ku tartamaya Doorashada ka dhaceysa Magaalada Kismaayo

0
18

Axmed Madoobe & Labo Musharrax oo maanta ku tartamaya Doorashada ka dhaceysa Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 25ka Nofeembar 2024 ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas.

Musharrixiinta uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinkaas qaabilsan ee qaatay shahaadada uu bixiyay isla markaana ka hadal jeediyay kulankii shalay ayaa maanta ka qaybgalaya Doorashada madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaa la sharaxay Faysal Maxamed Mataan iyo Abuukar Cabdi Xasan, sida muuqata waxaa ugu cadcad hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer Dowlad-Goboleedyada oo nambarka ugu badan ee saadaasha kusoo bixi kara.

Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo ka kooban 75 Xildhibaan ayaa codeyn doonna maanta, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo horay labo jeer loogu soo codeeyay ayaa markiisii saddexaad filaya in uu guuleysan doonno.

Xubnaha isbaddel doonka ah ee qaarkood ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa diidan Doorashada maanta ka dhacaysa Magaaladaas, waxa ay ku sifeeyeen mid ka fog caddaaladda isla markaana Axmed Madoobe uu si gaar ah u xirtay howshaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda JFS ayaa kol hore shaacisay in aysan aqoonsanayn Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Jubbaland maadaama ay caksi ku yihiin Doorashada Qof & Codka ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyay.

La soco wixii kasoo kordha