Askari Ka Tirsan Ciidanka Taraafikada Yemen oo Astaan u Noqday Waddaniyadda.. Sidan Ayuu u Ciqaabaa Darawallada
Cali Ciise waa nin u dhashay dalka Yemen waxa uu ka mid yahay ciidanka waddooyinka ee taraafikada, waxa uu ku nool yaha waqooyiga dalka Yeamen gaar ahaan magaalada Sacda, waxa uu shaqada bilaabay 1990 waana nin caan ka ah deegaanka oo gaadiidleyda oo dhan waa ay wada garanayaan.
Subax walba waxa uu soo istaagaa wadada si uu u kala hago gaadiidka, laakiin nasiib xumo dhamaan gaadiidleydu kuma hoggaansamaan sharciga wadada, sababtuna waxa weeye sharciga oo iyo nidaamkii dawladnimada oo daciifay gudaha dalka Yemen, taasina waxa ay sababtay in baabuurtii oo dhan ay is-dhex yaacdo, sida dalkeenna oo kale.
Marar badan ayuu isku dayay in qofkii sharciga jebiya uu sharciga la tiigsado, laakiin darawallada intooda badani waxey ku tunteen sharciga oo cid u hoggaansanta ayaan jirin.
Laakiin Ciise oo u warramayey Al-Jazeera, ayaa waxa uu yiri; “Mar hadii aan anigu jeclahay shaqada waa in aan ka soo dhalaalaa”, asaga oo sheegay in mararka qaar uu jiro ciriiri badan, laakiin taasi uma horseedeyso in uu shaqadiisa ka tago.
Hadaba; markii uu Cali Ciise uu garwaaqsaday in darawalladu aysan u hoggaansameyn sharciga waxa uu la soo baxay hab cusub oo uu cashar ugu dhigay darawallada oo noqotay in lagu faafiyo Baraha -bulshada dadkuna ay aad u hadal hayaan.
Cali waxa uu adeegsaday edbin u goonni ah, qofka dambi waddo maris ah gala in uu dhegta ka maroojiyo oo uu xanuujiyo asaga oo ku dareensiinaya in qofkaasi uu khalad galay. sidaas oo kale; inta uu ul qaato ayuu gacanta uga garaacaa qofka sharciga waddo marista jabiya, asaga oo intaas u sii raacsiinaya ceeb ayay kugu tahay in aad sharciga jabiso.
Cali Ciise waxa uu yiri: “Ma haddii nidaamkii dawladnimada iyo u hogaansanaata sharciga ay meesha ka baxday waxaa waajib igu ah inaan ilaaliyo dalkeyga oo aan ka niyad jabin hawsheyda, waayo dalkeyga waan jeclahay waxaanan mar walba jeclahay in aan nabadgelyadiisa ka qeybqaato”.
Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray; in mararka qaar uu arko caruur aad u da’yar oo baabuurta wadda iyaga oo aan gaarin da’dii loogu talagalay in ay baabuurta lagu kaxeeyo.
Tallaabadan uu Cali Ciise qaaday ayaa ammaan loogu soo jeediyey Baraha-bulshada dhamaan dadkii oo dhana wey u riyaaqeen sida uu dalkiisa u jecelyahay.
Maandeeq FM