Al Shabaab oo sii daayay Laba qof oo ay ka afduubteen gobolka waqooyi bari Kenya

0
793

Al Shabaab oo sii daayay Laba qof oo ay ka afduubteen gobolka waqooyi bari Kenya

Dagaal yahanada Ururka al shabab ayaa sii daayay laba muwaadin oo soomaali kenyan ah oo ay ka afduubteen 22-dii bishan November tuulo ku taal ismaamulka wajer.

Isku duwaha dhanka amaanka ee gobolka waqooyi bari kenya Mr Maxamed Birik ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay sii deysmada labada ruux oo ka mid ah xoola dhaqatada geela.

Arintaan ayaa timid kadib wada xaajood dhexmaray beel ka mid ah beelaha dega dalka iyo beesha wax labadan ruux laga afduubtay.

Mr Birik ayaa sheegay in labadan ruux ay si nabad gelyo ah ay dib ugu soo laabteen deegaanka Qorfa xaraar ee ismaamulka Wajer.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in heegan la galiyay ciidamada amniga ee ku sugan xadka si looga hortago weerarada kooxda Al shabab.

Xoola dhaqatadan ayaa la qafaashay kadib markii ay ka biya diideen in ay bixiyaan dhaqaalaha ay al shabab aruuriyaan ee loo yaqaan Zakawaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here