Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Degaan Ay Kula Dagaalameen Ciidamo

0
350

Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Degaan Ay Kula Dagaalameen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno deegaanka Aato ee ku yaalla xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas arroornimadii hore ee saaka ay Al-shabaab ku qaaday weerar loo adeegsaday madaafiic.

Dad ayaa soo weriyey in dhowr madfac ay ku dhaceen gudaha deegaanka iyo agagaarka Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla halkaasi, waxaana la maqlayey jugta madaafiicda ay soo tuurayeen Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee Al-shabaab saaka ku qaaday Aato oo dhawaan ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhexeeyay Ciidanka Liyuu Boolis iyo Shabaabka.

Boqolaal kamid ah Ciidamada xoogga gaarka ah ee dawlad deegaanka Soomaali Galbeed ayaa ku sugan Aato, waxaana ku yaalla saldhig ciidan oo ay dhawaan booqdeen Madaxda deegaanka iyo saraakiil ciidan.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday Aato, kadibna halkaas ay ka dhaceen dagaalo culus oo ay la galeen Liyuu Boolis, isla markaana uu ka dhashay khasaaro lixaad leh oo dhinacyada kala gaaray.

Si kastaba dagaaladii ka bilowday Aato oo ku fiday deegaano kamid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhacayay, iyadoo Maamulka dowlad deegaanka sheegeen inay soo afjareen howlgalkii ay kula dagaalamayeen Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here