Al-Shabaab Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin Dilay Aabihiis

0
429

Al-Shabaab Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin Dilay Aabihiis

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Goob fagaaro ah oo ku taalla deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay aabihiis.

Cumar Abkow Xasan oo 30 jir ayaa lagu magacaabi jiray Ninka xukunka dilka toogashada ahaa ee Al-shabaab ku fulisay, waxaana fagaaraha uu xukunka ka dhacaayay ku sugnaa boqolaal qof oo la isugu geeyay halkaas.

Maxkamadda Shabaab ayaa sheegtay in Cumar Abkow uu qirtay inuu dilay aabihiis dhalay, kadibna uu god ku riday, sida lagu sheegay War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Shabaab.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno isugu jira Dil iyo Karbaash ay ku fuliyeen dad loo jeediyay eedeeymo kala duwan, waxaana xukunadaas inta badan ay ka dhaceen deegaanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here