Akhriso:-Guddiyada Doorashada Ee Dowladda Oo War Cusub Soo Saaray

0
603

Akhriso:-Guddiyada Doorashada Ee Dowladda Oo War Cusub Soo Saaray

Guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ee heer Federaal uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo tallaado markii ugu hoorreysay War kasoo saaray doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeed dheer oo kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa lagu faah faahin waxyaabihii u qabsoomay Guddiyada oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah ay ku lahaayeen Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiyada ay qabsoomeen Arrimo dhowr ah oo la dhameystiray, kuwaasi oo kala ah:  1- Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir, 2- Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Qodobo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Qoraalka Guddiyada doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

Waxaa kaloo Guddiyada ay sheegeen inay xiriiro joogta ah la yeesheen qaar kamid xubnaha 4-ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddiyada doorashooyinka ee DFS.

Shirkan Jaraa’id waxaan u qabannay inaan ku iftiiminno waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah kulahaa Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed eeMadaxda labada heer ay ku gaareen mag aalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan.

1- Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga

Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka

Somaliland iyo Banaadir.

2- Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

3- Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay

doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo

shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.

4- Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada

Doorashada.

5- Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacdo.

Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero, waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay.

Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.

Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here