Akhriso:-Ajendayaasha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka
Waxaa Maanta oo Isniin ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardar-gelin doono kulamada Golaha, maadaama waqti xileedka Xildhibaanada uu muddo kooban ka harsan yahay.
Sida uu qorshahu yahay Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada u diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmi doono.
Xildhibaanada Golaha ayaa maalin kahor ansixiyay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, waxaana ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.