Afhayeenka Xoogaga Xamaas Oo War culus kasoo Saaray Dagaalka Israel

0
34

Afhayeenka Xoogaga Xamaas Oo War culus kasoo Saaray Dagaalka Israel



Afhayeenka Xoogaga Xamaas Oo War culus kasoo Saaray Dagaalka Israel
October 7, 2024

Afhayeenka garabka hubeysan ee kooxda xamaas Abuu Cubeyda ayaa 3 bilood kadib caawo soo hadlay xili ay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad weerarkii 7da Oktoobar Xamaas ku qaaday dhulalka la heysto ee Israel

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in sanad ka dib cadowga uu weli ku guuleysan la yahay hadafkiisa

“Muddo sanad ayaa kasoo wareegatay howlgalkii kumaandoska Xamaas ee ugu xirfada badnaa uguna guusha weynaa casrigan cusub” ayuu yiri Abuu Cubeyda

Wuxuu intaas ku daray in shacabkooda ay wali garab taagan yihiin si aan waliba horay loo arag.

“Waxaan dilnay ama dhaawacnay kumanaan cadowga ka tirsan, sidoo kale waxaan burburinay boqolaal agabkoodii ah” ayuu yiri

Dowladaha dariska la’ah ayuu ku tuhmay hagar iyo fuleynimo isagoo yiri “Waxaan hortaaganahay jilbahana dhulka u dhiganay cadow aanan nixin kana xishoon falalka isir sifeynta, waxaana wali kula dagaalameynaa meel walba oo ka tirsan Gaza.

Mar uu ka hadlayey taageerada Mareykanka ee Israel ayuu sheegay in sahyuuniyadu meel walba oo caalamka xorta ah ka tirsan laga soo eryay, waxaa haatan dagaalamayana ay yihiin xargihii Mareykanka kuwaasoo waqti kooban kadib ayagana go’i doona.

Wuxuu amaanay Jabhadaha garab istaaga u muujiyey shacabka reer Falastiin sida kuwa ku sugan Yaman, Lubnaan, Siiriya iyo Ciraaq.

“Dronaha Yaman waxay dul heebaabayaan hawada Falastiin iyagoo cadowga garaacaya, khasaaro kala duwana gaarsiinaya” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu amaan gaar ah siiyay ururka Xisbullah iyo dowlada Iran oo uu ku sheegay kuwa cadowga baqdin galiyay xanuun badana dareensiiyey.

Dowladaha Carabta ayuu ku eedeeyey iney hagradeen Wuxuuna si bareer ah u abaaray maamulada cadowga oo uu ku sheegay kuwa hagraday shacabka Falastiin, wuxuuna baaq u diray culamada Diinta iyo shacabka carabta isagoo ugu baaqay inay qaadaan ololihii ugu balaarnaa ee shacabka Falastiin lagu taageerayo, sidoo kalana wuxuu xusuusiyay ahmiyada Jihaadka waajibka ah

Wuxuu tibaaxay in Maxaabiista Israel ee Gaza lagu hayo ay si wanaagsan ula dhaqmeen tan iyo maalintii koowaad ee ay soo qafaasheen, balse halista ugu weyn ee ay kala kulmayaan isla israel kuwaasoo mar walba ku sigta iney dilaan; “Noloshooda waxay ku xiran tahay go’aanka ay xukuumada gumeystaha qaado, mana ahan mid meesha laga saari karo in maxaabiista malafkooda uu lugta la galo god aad u mugdi badan” ayuu intaas ku daray.

Shacabka Falastiin ee ku sugan Daanta Galbeed ayuu ugu baaqay iney iska caabinta xoojiyaan oo aysan ku kadsoomin dhagarta cadowga isagoo tusaalooyin dhowr ah u soo qaatay.

Wuxuu sheegay in farxada cadowga ee shirqoolka ku saleysan ay ahaan doonto mid muddo gaaban jirta “Hadii uu shirqoolka guul keeni lahaa iska caabinteena waxay joogsan laheyd maalintii la shirqoolay Cizzu-ddiin Al-Qassaam” ayuu yiri

Wuxuu tilmaamay in shirqooladii lagu dilay Ismaaciil Haniya iyo Xassan Nasrullaah ay daliil u yihiin in cadowga uusan wali fahmin qaabka ay muqaawimada u shaqeyso.