In ka badan 40 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadanka Zimbabwe

0
571

In ka badan 40 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadanka Zimbabwe

Ugu yaraan 42 ruux oo rakaab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dalka Zimbabwe kadib markii gaari Bus ah oo ay saarnaayeen gudihiisa uu ka dhex qarxay Gaz saarnaa.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxay muujinayaan gaariga oo gabi ahaanba burburay.
Shilkaan ayaa waqti danbe ee khamiistii shalay ka dhacay degmada Gwanda oo qiyaastii 550 kiilo mitir u jirta magaalada Caasimada ah ee Harare.

Afhayeenka ciidanka booliska Zimbabwe Charity Charamba ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in ay Gaz uu watay mid ka mid ah rakaabka saarnaa gaariga uu qarxay sida ay baaritaano hordhac ah muujinayaan.

Ms Charamba ayaa intaa ku dartay in ciidamada amniga ay u gurmadeen dadkii ku dhaawacmay kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka.

Hey,ada laanqeyrta cas ee Zimbabwe ayaa saraakiil u hadashay waxay sheegeen in saqsii dhexe ee xalay ay isbitaalada gaarsiiyeen 24 ruux oo qaarkood gubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here