857 ruux oo cudurka daacuun caloolaha ugu geeriyooday Congo

0
570

857 ruux oo cudurka daacuun caloolaha ugu geeriyooday Congo

Hey,ada caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in cudurka daacuunka uu sanadkaan ku dilay wadanka Congo 857 kadib warbixin ay soo saartay maalintii shalay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxay diiwaan galiyeen 25,170 oo qaba cudurkaan,iyadoo dhanka kale 26-da gobol uu ka kooban yahay dalkaas 21 ka mid ah uu cudurkaan saameeyay.

Gobolada ugu daran ayaa waxaa ka mid ah gobolka bari ee Kasai Lomami, gobolka koonfurta ee Kivu, Tanganyika iyo Upper Katanga.

Sanadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii la diiwaan galiyay 55,000 oo uu soo ritay cudurkaan, iyadoo 1,190 oo dadkaan ka mid ah la daaweeyay.

Cudurka daacuun ayaa waxaa uu ka mid yahay cudurada oof wareenka ah kaasi oo saacado gudahood ku dila bukaanada.

Sababaha keena cudurka daacuunka ayaa waxaa uu loo sababeeyaa isticmaalka biyaha iyo cuntada aan nadaafad ahaan u wanaagsaneyn bulshada.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo dalka Congo uu la tacaalayo cudurka Ebola oo 212 dilay bariga dalkaas gaar ahaan waqooyiga Kivu iyo gobolka Ituri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here