Madaxweyne Farmaajo oo ku amray taliyaasha ciidamada inay warbixin dhamaystiran qaraxyadii Saxafi

0
574

Madaxweyne Farmaajo oo ku amray taliyaasha ciidamada inay warbixin dhamaystiran qaraxyadii Saxafi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dalka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.

Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha dalka ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Saree Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa saddex qarax lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintey inku dhow konton ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa eek a dhaca Muqdisho tan iyo qaraxii Zobbe oo galaaftay dad ka badan lix boqol oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here