Warbaahinta Oo Heshay Liiska Magacyadda Isku Shaandhayntii Khilaafka Culus Abuurtay Ee Uu Wasiirka Maaliyadu Ku Sameeyay Shaqaalaha Xisaabaadka Guud

0
577

Warbaahinta Oo Heshay Liiska Magacyadda Isku Shaandhayntii Khilaafka Culus Abuurtay Ee Uu Wasiirka Maaliyadu Ku Sameeyay Shaqaalaha Xisaabaadka Guud

Wargeyska Foore ayaa helay laba nuqul oo ay ku qoran yihiin shaqaalaha iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Xisaabaadka ee uu Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu isku shaandhaynta ku sameeyay,islamarkaana uu ka abuurmay Khilaafka kala erdheeyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud iyo Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee khilaafka abuurtay ee uu isku shaandhaynta ku sameeyay qaar ka tirsan Masuuliyiinta Xafiiska Xisaabaadka guud oo Wargeyska FOORE helay ayaa waxay u dhignayd sidan: Waxaa jirta in shaqada wasaaradda Maaliyaddu ay u baahan tahay toosin iyo dar dar galin joogta ah, taasina ay u baahan tahay in marba la isku badelo hawlwadeenada, islamarkaana qof walba la geeyo meesha ugu haboon, ee uu aqoonteeda leeyahay, anigoo taasi ka duulaya waxaan isku badel ku sameeyay xafiisyada uu khuseeyo isbadelka maamulka maaliyadda ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, islamarkaana aan u magacaabay hawlwadeenaddan aqoonteeda leh oo hanan kara shaqadaas dib u habaynta maaliyadda ee Socota, magacyacyada iyo Xilalka aan isku badelayna waa sidan Hoos ku Xusan:

No Magaca Goobta Laga badelay Xilka Loo Magaacabay
1 Warsame Axmed Cabdilaahi Chief Examiner Ku Xigeenka X/Guud
2 Sucaad Maxamed Daahir Xafiiska PFM Agaasimaha Xafiiska EAFS-KA
3 Maxamed Cali Xirsi Internal Controller EAFS-ka Chief Examiner
4 Xuseen Axmed Kaahin Xafiiska Jeegagga M.Qaybta Multilateral-ka ee EAFS-ka
5 Maxamed Cabdi Xasan Waaxda Baadhista Internal Controller EAFS-ka
6 Sabaax Cabdilaahi Ciise Xafiiska Xisaab-xidhkaX/Guud Ku Xigeenka Chief Examiner-ka
7 Keyse Maxamed Cabdilaahi Ku Xigeenka X/Guud Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee W.Maaliyadda
8 Cabdiqaadir Maxamuud Yoonis Agaasimaha Xafiiska EAF- Waaxda Qorshaynta
9 Yuusuf Maxamed Cabdi Madaxa Qaybta Multilateral Waaxda Baadhista Gudaha

Masuuliyiyiintan uu Wasiirku seefta la dhex qaaday ee uu Boosaskoodii ka qaaday ayaa waxa ay u badan yihiin masuuliyiintii fadhiyay Xafiisyada ugu mudan Xisaabaadka waanay adag tahay in si deg deg ah loo helo cid Buuxisa maadaama oo ay goobaha Xisaabaadku ka xasaasisan tahay Meelaha kale, balse waxa ka muuqata talaabada Wasiirka Cadho uu jawaab uga dhigayo arin umadda ka qarsoon oo ay ogyihiin oo qudha masuuliyiinta sare ee Xisaabaadka iyo Wasaaradda Maaliyaddu. Nasiibdaro Waxa markiiba arintaasi ganafka ku dhuftay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmd Daa’uud kaasi oo ku fasiray Isku shaandhayntaasi Xad gudub Dhinaca Maamulka ah. Waxa uu kaga jawaabay warqad qoraal ah oo uu ku daadafeeyay talaabadaasi uu Wasiirku isku shaandhaynta ku sameeyay, waxaana qoraalka uu kaga jawaabay ka mid ahaa “Maadaama oo ay ka muuqato marin habaabin baaxad weyn oo ay iimuuqato inaad ku daboolaysid xadgudub maamul maaliyadeed oo ka socda xafiiskaaga. Waxay u muuqataa warqadaadu isku day inaad ka hor istaagto xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka gudashada waajibaadkiisa sharciga ah. Waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo in labada xafiis ee kan wasiirka maaliyada iyo kan xisaabiyaha guud ee qaranka ay hawlahoodu kala madax banaan yihiin, sida oo kalena shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aanay ka mid ahayn kuwa xafiiska wasaarada horumarinta maaliyada. Sidaas daraadeed aanad ku lahayn magacaabis. Shaqaalaha xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka ee ku xusan warqada sumadeedu tahay WM/02/08-01/1792/2018 waxaan farayaa inay hawl maalmeedkooda iyo xilalkoodaba sidoodii hore u gutaan. Madaxda ogaysiinta ku leh warqada waxaan la socod siinayaa inay sidaas ula socdaan.”. Inkasta oo uu Wasiirka Maaliyaddu shaaciyay Doraad inuu khilaafkaasi soo afmeermay islamarkaana uu isagu ka saxsanaaday Xisaabiyaha guud haddana sida wararka aanu xalay helnay iftiimiiyeen Khilaafkaasi Culusi wali waa uu taagan yahay.

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here