Mareykanka oo sheegay in duqeyn cusub uu ka fuliyay Jubada Hoose

0
586

Mareykanka oo sheegay in duqeyn cusub uu ka fuliyay Jubada Hoose

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay inuu duqeyn ka fuliyay deegaanka Araare ee Gobolka Jubadda Hoose 3-dii bishan, halkaasoo howlgalo ka wadeen ciidanka xoogga dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay aheyd mid is difaac ah, xilli Al-Shabaab ay isku dayeen inay soo weeraraan Ciidamada Soomaalida.

Illaa afar dagaalame ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka in lagu dilay duqeynta, sidoo kale ma jirin ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Askar Mareykan ah oo qeyb ka ahaa howlgalka dhulka ee ay hoggaaminayeen Ciidamada Soomaalida.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ku taageera ciidamada dowladda, xilliyada howlgalada ka fuliyaan deegaanada Shabaabka kaga sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here