Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgalayay Sh/dhexe oo dalkooda dib ugu laabtay

0
678

Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgalayay Sh/dhexe oo dalkooda dib ugu laabtay

Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi kana howlgalayay gobolka Sh/dhexe ayaa dib dalkoodii kadib markii ay dhameysteen muddo sanad ah oo ay ka howlgalayeen dalka Soomaaliya.

Guutooyinka 44-aad iyo 45-aad ee Ciidanka Burundi qaybtana ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la guddoonsiiyay Billado iyo Shahaadooyin, markii ay dhammaysteen shaqadoodii Sanadlaha ahayd ee ay ka hayeen Soomaaliya.

Munaasabaddan oo dabayaaqadii Todobaadkan ka dhacday Muqdisho, ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha  Ciidanka Burundi, Col. Remy Cishahayo, wuxuuna ammaanay doorkii ay Guutooyinkan ku lahaayeen howlgalka ay AMISOM u joogto Soomaaliya.

Col. Cishahayo, ayaa soo dhoweeyay Ciidan kale oo beddelaya Guutooyinka shaqadooda dhammaystay , wuxuuna ku boorriyay Ciidanku inay aadaabta ilaaliyaan, kana soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Ciidankan la sagootiyay ayaa ka tirsanaa qaybta Shanaan ee xooggaga AMISOM, kuwaas oo door weyn ku lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhex

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here