DEG DEG:-Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Garoowe

0
701

DEG DEG:-Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Garoowe

Waxaa magaalada Garowe, gaar ahaan xarunta Golaha Wakiilada Puntland ka socota doorashada Kursiga ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo uu banneeyay Xildhibaan hore oo lagu magacaabayay Dhahar Cali Faarax.

Illaa 51 Ergey ayaa dooranaya Kursigan uu ku tartamayo Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, waxaana ay aad ugu badan tahay inuu ku soo baxo.

Guddiga Doorashooyinka Qaran ayaa qabanaya doorashada, waxaana xubnaha Hoggaanka Guddiga ay gaareen maalmo ka hor magaalada Garowe, si ay goobjoog uga noqdaan Doorashada.

Haddii Wasiir Jamaal loo doorto Xildhibaan Golaha Shacabka, waxaa uu ku biirayaa Xildhibaanada faraha badan ee ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here