
Maxaa iska baddelay qorshaha bixitaanka Ciidanka Burundi?
Dowladda Burundi ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayso go’aankeeda la bixista Ciidamada ka jooga Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007dii kaddib markii Xukuumadda Bujumbura ay saluugtay hannaanka saami qaybinta Ciidanka Midowga Afrika ee laga dhimayo tirada Soomaaliya joogta.
Saraakiil katirsan Dowladda Burundi ayaa sheegay in aanay jirin isbaddel la muujin karo oo la xiriira wax ka baddelka go’aankoodii ugu dambeeyay ee bixitaankooda Soomaaliya iyada oo Ciidankaas kol hore ay wareejiyeen qaar kamid ah xeryihii ay joogeen ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Burundi ay isu diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahaayeen Soomaaliya inkasta oo muddo sannad ah uu taageerre dheeraad ah uu Maraykanka siinayo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM taasi oo loo arko in ay wax ka baddelayso go’aankii bixitaanka ee Bujumbura.
Burundi waa dalkii labaad oo Ciidamo ka socda Midowga Afrika isla markaana taageerro ka helaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya yimid, waxaa Soomaaliya looga dilay Ciidamo iyo Saraakiil halka kuwo kale ay ku dhaawacmeed dagaallo culus oo ay ku galeen Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.























