Iiraan oo furista Hormuz shuruud uga dhigtay in Maraykanka uu ka baxo Bariga Dhexe
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in keliya halka shuruudda ay ku furi karto Marinka Hormuz uu yahay in Maraykanka uu ka baxo Bariga Dhexe isla markaana xaalad nabadeed oo ka caaggan Colaadaha uu noqdo Gobolka.
Iiraan ayaa ku dooday in Maraykanka uu dhibaato ku yahay Nabadda iyo horumarka Bariga Dhexe sidaas awgeed ay Tehran soo jeedinayso in Washington ay ciidankeeda kala baxdo Dalalka Khaliijka Carabta.
Tehran ayaa beenisay in ay doonayso qabsashada dalalka Carabta ee isbahaysiga ah Maraykanka haddii ay dhacdo in uu ciidankiisa kala baxo oo uu albaabada isugu dhufto saldhigyada uu halkaas ku leeyahay.
Maraykanka ayaa horay u diiday dhowr shuruud oo dhinaca Iiraan ka yimid si loo soo afjaro colaadda waqti dheeraatay ee Bariga dhexe ka jirta sida in uu cunaqabataynta ka qaado dekedaha dalkaas, in uu usoo fasaxo lacagaha uu xayiray iyo in ciidankiisa uu la baxo.























