Saturday, October 17, 2026
Home WARAR Trump oo weerarrada Ukraine ku qaaday warshadaha shidaalka Ruushka ku tilmaamay kuwo...

Trump oo weerarrada Ukraine ku qaaday warshadaha shidaalka Ruushka ku tilmaamay kuwo ceeb ah

0
28

Trump oo weerarrada Ukraine ku qaaday warshadaha shidaalka Ruushka ku tilmaamay kuwo ceeb ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarrada cusub ee Ukraine ku qaaday warshadaha sifeynta shidaalka ee Ruushka ku tilmaamay kuwo “ceeb ah”.

 

Wareysi uu siiyay warbaahinta Newsmax ayuu Trump ku sheegay in tallaabooyinka Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ay horseedi doonaan kor u kaca qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.

 

Trump ayaa sheegay inuusan aragti wanaagsan ka qabin Zelensky, isaga oo intaas ku daray in wada-hadallada uu la yeesho madaxweynaha Ukraine ay uga adag yihiin kuwa uu la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

 

Hadallada Trump ayaa yimid kaddib markii Zelensky uu sheegay in Ukraine aysan sii tixgelin doonin xabbad-joojinta dhinaca tamarta ee Trump ku dhawaaqay, maadaama Ruushku uu weli weerarro ku hayo kaabayaasha tamarta ee Ukraine.