Joogtaynta Cabbista Bunka oo la sheegay in looga hortagi karo cudurrada ku dhaca Beerka
Daraasad ay sameeyeen dhaqaatiir ku sugan Dalka Maraykanka muddo toban sanno ahna ay soo wadeen baaristaas waxa ay ku shaaciyeen in cabbista bunka ama kafayga uu caafimaad u yahay Beerka bani aadamkana kana hortago cudurro uu kamid yahay Kansarka.
Inta ay daraasaddaan socotay waxaa lagu baaray dad ka badan 354,000 oo qof oo si dhow looga warqabay muddaas waxaana ay joogteeyeen cabbista Kafayga iyada oo ugu dambayn la sheegay in lagu ogaaday in beerkoodu uu wanaagsan yahay.
Dr Hyunseok Kim oo kamid ah Dhaqaatiirta ugu caansan ee daweynta cudurrada ku dhaca Beerta ayaa sheegay in daraasaddaan ay daboolka ka qaadday xogtaan oo muujinaysa in dadka joogtada ku cabba Bunka uu beerkooda ka badbaadayo cudurro kansarka uu kamid yahay.
โMuddo 10 sano ah waxaaan daraasad baaris ah ku wadnay In ka badan 354,000 oo qof oo si joogto ah u cabba Kafeey (Bunka), waxaana ku ogaanay in arrintaas ay kahortagto cudurrada Beerka ku dhaca oo uu ku jiro Xannuunka halista ah ee Kansarkaโ Sidaasi waxaa yiri Dr Hyunseok Kim oo ah Dhaqtar ku takhasusay cudurrada Beerka
Daraasado kala duwan oo dhinaca Caafimaadka ayay soo bandhigaan Dhaqaatiirta iyaga oo xogtooda ku xusa in ay muddo ku raadjoogaan arrintaan oo ugu dambayn daboolka ka qaadaan natiijada usoo baxda maadaama dhinac weliba ay kasoo eegaan.























