Home WARAR Iiraan ma u fududahay inay u aargudato madaxdii laga dilay oo ay...

Iiraan ma u fududahay inay u aargudato madaxdii laga dilay oo ay beegsato Trump iyo Netanyahu?

0
33

Iiraan ma u fududahay inay u aargudato madaxdii laga dilay oo ay beegsato Trump iyo Netanyahu?

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Golaha Khubarrada Sare ee dalkaas oo ka kooban 88 xubnood in 63 kamid ah ay aqbaleen in la beegsado Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump & Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu si loogu aargudo Madaxdii laga dilay Dalkaas.

Sheekadaan waxa ay sii xooggaysatay kaddib markii dhowaan Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu si cad u sheegay in isaga iyo Netanyahu ay beegsanayaan Iiraan fursad weliba oo ay ku helaan sidaas awgeed ay ka feejigan yihiin sida uu yiri.

Cod uruurin laga dhex sameeyay Dadka Iiraan waxaa qaraarkaas ogolaaday 25,000 oo kamid ah Dadkii xogtooda lasoo qaaday inkasta oo aanay Warbixinta lagu xusin tirada Dadka lala kulmay si loo ogaado boqolley ahaan inta ay gaarsiisan yihiin Dadkaas.

Tehran waxa ay horay dil toogasho ah ugu xukuntay mas’uuliyiin katirsan Maraykanka oo ka maqnaa goobta Maxkamadda kuwaas oo lagu eedeeyay in ay abaabuleen weerarkii lagu dilay saraakiil sare oo uu kamid tahay Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Qasem Soleimani.