Waqtiga la baasto ciyaaraha Champions League-ga Yurub oo la badelay
Kaddib ciyaarihii Koobka Adduunka iyo lacago badan oo ay kooxuhu ciyaartoy ku soo gateen, ayaa waxaa isbadel weyn lagu sameeyay waqtiga la baasto ciyaaraha Horyaallada Yurub ee Champions League-ga ee heerka group-yada.
Laba kulan oo ciyaarahaasi ka mid ah ayaa waxaa la baasan doonaa 7:55 fiidnimo waqtiga Bariga Afrika, halka ciyaaraha kalana la baasan doono 10:00 habeenimo isla waqtiga Bariga Afrika.
Waagii hore inta badan ciyaaraha group-yada waxaa la baasan jiray 9:45 habeenimo ee waqtiga Bariga Afrika, halka qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan Bariga Yurub ama Ruushka ay laba ama saddex saacadood ka hor ay bilowdaan.
Taageerayaasha kooxda Tottenham ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee uu saameeyo isbadelkan oo kooxdooda ayaa caawa oo Talaada ah waxa ay garoonka San Siro kula dheelaysaa kooxda Inter Milan, halka isla group-kaas, isla waqtigaas, ay Barcelona garoonkeeda ku martigelinayso kooxda PSV Eindhoven.
Markii la gaaro ciyaaraha kala baxa ayaa dhammaan kooxaha soo gudba waxa ay ciyaarahooda bilaaban doonaan 10:00 ama 11:00 habeenimo ee waqtiga Bariga Afrika.
Ciyaaraha koobka Europa League ee heerka group-yada ilaa laga gaarayo 16-ka kooxood waxaa la baasan doonaa 7:55 iyo 10:00 habeenimo. Halka rubac dhammaadka, nus dhammaadka iyo finaalka la baasan doono 10:00 habeenimo.
Maxay tahay sababta loo badelay waqtiga la baasto ciyaaraha Champions League-ga?
Taleefishinnada iyo dadka online-ka ka daawada ciyaaraha ayey u suuragalaysaa inay ciyaaro badan daawadaan iyagoo aanay ciyaarna dhaafin, si kale haddii loo dhigana waxaa sare u kici doona dadka daawada ciyaaraha iyo weliba kharashka laga soo xareeyaba.
Ciyaaraha bilaabanaya 7:55 fiidnimo ee waqtiga Bariga Afrika
Ciyaarta koobaad
Talaado, 18 Sibteembar
Group B: Barcelona v PSV Eindhoven, Inter Milan v Tottenham Hotspur
Arbaco, 19 Sibteembar
Group E: Ajax v AEK Athens
Group F: Shakhtar Donetsk v Hoffenheim
Ciyaarta labaad
Talaado, 2 Oktoobar
Group F: Hoffenheim v Manchester City
Group H: Juventus v Young Boys
Arbaco, 3 Oktoobar
Group C: Paris St-Germain v Red Star Belgrade
Group D: Lokomotiv Moscow v Schalke
Ciyaarta saddexaad
Talaado, 23 Oktoobar
Group E: AEK Athens v Bayern Munich
Group H: Young Boys v Valencia
Arbaco, 24 Oktoobar
Group A: Club Brugge v Monaco
Group B: PSV Eindhoven v Tottenham Hotspur
Ciyaarta afraad
Talaado, 6 Nofeembar
Group A: Monaco v Club Brugge
Group C: Red Star Belgrade v Liverpool
Arbaco, 7 Nofeembar
Group G: CSKA Moscow v Roma
Group H: Valencia v Young Boys
Ciyaarta shanaad
Talaado, 27 Nofeembar
Group E: AEK Athens v Ajax
Group G: CSKA Moscow v Viktoria Plzen
Arbaco, 28 Nofeembar
Group A: Atletico Madrid v Monaco
Group D: Lokomotiv Moscow v Galatasaray
Ciyaarta lixaad
Talaado, 11 Diseembar
Group D: Galatasaray v Porto, Schalke v Lokomotiv Moscow
Arbaco, 12 Diseembar
Group G: Real Madrid v CSKA Moscow, Viktoria Plzen v Roma