Tahriibayaal Soomaali oo ku geeriyooday badweynta u dhaxeysa Mayotte iyo Faransiiska

0
5

Tahriibayaal Soomaali oo ku geeriyooday badweynta u dhaxeysa Mayotte iyo Faransiiska

Ugu yaraan 15 qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday ka dib markii dooni ay la socdeen ku qallibantay badda u dhaxeysa Jasiiradda Mayotte iyo dalka Faransiiska, halka hal qof uu ka badbaaday.

 

Dadka dhintay waxaa ka mid ah fannaanada caanka ah ee Hodan Afrika iyo gabar ay dhashay oo ku sii jeeday dalka Faransiiska, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Mayotte.

 

Doonida ayaa la sheegay inay sidday muhaajiriin iyo rakaab kale oo ku sii jeeday dalka Faransiiska, waxaana shilku dhacay maalintii jimcaha.

 

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Faransiiska iyo Mayotte ayaa billaabay dadaallo samatobixin ah si loo badbaadiyo dadka kale ee ku sugan badda.

 

Wixii warar ee ka soo kordha halkaan kala soco