Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isku shaandhayn ku sameeyay Golaha Wasiiradda XFS

0
31

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isku shaandhayn ku sameeyay Golaha Wasiiradda XFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandhayn ku sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee XFS, kuwaas uu ku sameeyay ilaa seddex wasaaradood.

 

Axmed Macalin Fiqi oo horay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaashaandhigga XFS, halka Wasiirkii wasaaraddaas Jibriil Cabdirashiid Xaaji loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS.

 

Sidoo kale, Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyada oo uu horay xilkaas u haayay Axmed Macalin Fiqi.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa noqon doonta Wasaaradda kaliya ee muddo bil gudahood seddex Wasiir isku bedelaan, iyada oo Wasiirki ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Wasaaraddaas C/qaadir Jaamac looga bedelay cadaadis ka yimid Mareykanka oo Madaxtooyadu ku qasbanaatay.