In ka badan 100,000 qof oo ku barakacay dagaallada dowladda iyo Shabaab ee Shabeellada Dhexe

0
19

In ka badan 100,000 qof oo ku barakacay dagaallada dowladda iyo Shabaab ee Shabeellada Dhexe

Dagaallada ka socda Shabeellaha Dhexe ee u dhaxeeya ciidamada dowladda oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah, iyo Alshabaab ayaa sababay barakac baahsan iyo kororka dhimashada iyo dhaawacyda dad badan oo rayid ah.

 

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in kaliya saddexda bilood ee ugu horreeya 2025 ay gargaar caafimaad siiyeen 20 isbitaal oo ku kala yaalla dalka.

 

Magaalada Muqdisho, Isbitaalka Madiina ayaa qaabilay ugu yaraan 203 bukaan oo ku dhaawacmay colaadaha, taas oo ka dhigan 26% koror marka loo eego saddexdii bilood ee ka horreeyay.

 

“Waxaan aragnay koror weyn oo ku yimid dhaawacyada hubka, waana xaalad walaac badan,” ayuu yiri Antoine Grand, madaxa ICRC ee Soomaaliya. “Nolosha rayidka ayaa halis ku jirta.”

 

Dagaallada gobollada Shabeellaha Dhexe ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab, ayaa horseeday in ka badan 100,000 qof ay ka cararaan guryahooda. Xaaladdan cakiran waxay imaaneysaa iyadoo Soomaaliya ay wajahdo abaar cusub iyo hoos u dhac ku yimid maalgelinta gargaar bixinta.

 

ICRC iyo Bisha Cas Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan howlgal degdeg ah oo ay ku gaarsiinayaan gargaar caafimaad, biyo nadiif ah, iyo agab kale dadka ay saameeyeen colaadaha.