Israa’iil oo in ka badan 100 Falastiiniyiin ah ku dishay duqeymo ay xalay ka fulisay Qasa

0
19

Israa’iil oo in ka badan 100 Falastiiniyiin ah ku dishay duqeymo ay xalay ka fulisay Qasa

Israa’iil oo ka baxday xabbad-joojintii horseeday hakinta duqeymihii ay ka waday Qasa, ayaa xalay duqeymo is xigxigay ku dishay ugu yaraan 131 qof, halka ay dhaawacmeen in ka badan 300 oo qof.
Sida ay ABC News werisay, Israa’iil waxay sheegtay in ay “albaabada cadaabta u furi doonto Qasa,” maadaama ay Xamaas ku guuldarraysatay in ay sii deyso maxaabiistii hadhsanayd.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirka Difaaca, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidankoodu hadda wixii ka dambeeya ay si toos ah u beegsan doonaan Xamaas.

 

“Caawa waxaanu dib u billownay dagaalkii Qasa, kadib markii Xamaas ay diiday in ay sii deyso la haystayaashii, isla markaana ay ku hanjabtay in ay waxyeelaynayso Ciidamada Difaaca Israa’iil,” ayuu yidhi Katz. “Haddii Xamaas ayna sii deyn la haystayaasha, albaabada cadaabta ayaa u furmi doona Qaza.”

 

Xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa u xaqiijiyay ABC News in ugu yaraan 131 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarradii xalay, halka in ka badan 300 oo qof ay ku dhaawacmeen, duqeymaha oo aad u cuslaa.

 

Weerarradu waxay beegsadeen magaalooyinka ku yaal Qasa, oo ay ka mid yihiin Rafax, Khan Younis, Deir al-Balah, Nuseyrat, Al-Bureij, Al-Zaytoun, Al-Karama, iyo Beyt Xanun. Mas’uul Israa’iili ah ayaa u sheegay ABC News in weeraradu ay sii socon doonaan “ilaa inta loo baahdo” isla markaana ay noqon doonaan kuwo ka ballaadhan duqeymaha cirka oo kali ah.

 

Weerarradan cusub ayaa ka dhigan in Israa’iil ay si rasmi ah uga baxday xabbad-joojintii lagaga nastay duqeymihii hore, kuwaas oo ay Israa’iil sannadkii lasoo dhaafay ku dishay in ka badan 45,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah.