Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

0
29

Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan Xaafadda Howlwadaag waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada ugu yaraan 1 ruux iyo dhaawac in ka badan 2 kale sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

 

Qaraxa kaddib waxaa la maqlay rasaas xooggan oo aan si dhab ah loo ogaan haddii ay yihiin rag hubeysan oo ka dhex dagaalamaya iyo in ay ridayaan ciidamo deegaan ah oo goobta ka dhawaa sida wararku sheegayaan.

 

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka socday kulan u dhaxeeyay Odoyaal dhaqameed & Rag la sheegay in ay abaabulayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo laga sameynayo deegaannada ay degeen xubnahaan sida hadalka loo dhigay.

 

Halka uu qaraxa iyo rasaasta tooska ah ka dhaceen waa Galbeedka Magaalada Baladweyne, waxaana marba marka ka dambeysa isasoo taraya xogaha laga helayo sida ay wax u dhaceen inkasta oo aan lahayn warar sugan oo xaqiijinaya macluumaadkaas.