Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye?

0
21

Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo ay matalayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Mudane Maxamed Kahin Axmed, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Axmed Cabdi Dheere.

 

Kulanka oo ahaa mid ay soo dalbadeen Hoggaanka Sare ee Kulmiye ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisu waxa ay ku qaabileen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye niyad-samaan, laab-furnaaan iyo hannaanka wada-shaqeynta Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda haatan talada haysa.