Ciidama Turkiga oo gudaha u galay Gobolka Idlib ee dalka Suuriya

0
783

Ciidama Turkiga oo gudaha u galay Gobolka Idlib ee dalka Suuriya

Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inuu ciidamo tira badan uu ku xoojiyey xadka Suuriya ee Idilib oo ay ku xooggan yihiin milishiyaad gacan saar la leh oo dowladda Suuriya ka soo horjeeda, iyada oo tallaabadan uu turkigu qaadayna lagu tilmaamay mid lama filaan ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegeen iney ciidamada Turkiga ku sii siqayeen goobo xadka Idlib ku yaalla iyada oo go’aanka Turkiga uu ciidamadaaiisi ku xoojinayo ay ka dambeysay go’aanka ay sida wadajirka ah u gaareen dowladaha ay xulafad yihiin ee Rusuhka iyo Iiraan.

Turkiga ayaa wuxuu gacan siiyaa milishiyada Idlib gacanta ku haysa oo ay dowladda Bashar Al-Assad dooneyso iney ka qabsato goobaha hadhay ee ay gacanta ku hayaan.

Dhanka kale, wasiirka gashaandhigga ee Turkiga Hulusi Akar ayaa ka digay isku day kasta oo laga sameeyo Idlib iney ka dhalan karto “masiibo bani aadaminimo”.

“Duqeynta laga sameeyo deegaannadaasina ma aha oo keli ah ayuu yiri iney waxyeello u geysaneyso dadka rayadka ah iyo qoxootiga balse waxay noqon doontaa mid colaad hor leh ka sii huriso gobolka oo dhan.”

Qaramada midoobay ayaa iyaduna sheegtay dagaallada ka socday gobolka Idlib bishi September oo keli ah iney ku qaxeen dad ka badan 38,500 oo qof, xiisadda ka soo cusboonaatay aggaasina ay horseedi karto dhibaato intaa ka sii ballaadhan.

Dad lagu qayaaso 2.9 milyan oo qof oo ay ka mid yihiin 1 milyan oo carruur ah ayaa ku nool deegaannada Idlib, Hama iyo Alepo oo ay gacanta ku hayaan milishiyaadka agarabka ka helo dowladda Turkiga iyo kuwa jihaad doonka ah.

Maxay yihiin ciidamada uu howlgeliyey Turkiga?

Hay’adda xuquuqda aadanaha Suuriya u doodda oo uu fadhigeedu yahay Britain ayaa waxay sheegtay kolonyo baabuur ah oo ay ciidamada Turkiga leeyihiin iney Khamiista maanta ay soo gaareen xadka Kfar Lusin ee looga tallaabo gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Ciidamada Kolonyada ayaa waxay iisu qaybiyeen laba qaybood ayey tiri hay’addu, qaybna waxay u dhaqaaqeen waqooyiga Hama halka qaybta kale ee ciidamadua ay gaadheen magaalada bartamaha gobolka Idilib ku taallo ee Maarat al-Numan.

Waxaana si toos warbaahinta looga sii daayey dabbaabaadka ciidamada Turkiga oo xuduudda tallaabaya.

Image captionKhariidad muujineyso gobolka Idlib Suuriya dhanka uu kaga yaallo

Weli dhinaca Turkiga ma jirto cid xaqiijisay ciidamada Turkiga iney Idlib soo galeen balse, laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa waxay arbacadi walkaaladda wararka ee Reuters u sheegeen inuu Turkigu ciidama dheeraad ah uu u dirayo Idlib.

Image captionMiliishiyaadka Suuriya oo iyaguna isku xoojiyey Idlib, Hama iyo Aleppo

Xukumadda Suuriyana waxay sheegtay iney dooneyso iney gobolka Idlib ay ka xoreyso Miliishiyada Hayat Tahrir al-Sham, (HTS) iyo kooxaha jihaad doonka ee xiriirka la leh ururka Al-qaacida oo tiradooda lagu qayaaso 10,000 gacantana uu ugu jiro gobolka Idlib ee ugu weyn dalka Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya Walid Muallem ayaa wuxuu sheegay inuu rajeeynayey iyada oo dadka rayadka ah wax dhib ah soo gaarin iney dowladda waanwaan ku qabsato Idlib balse kooxda HTS iney diiday waanwaanti nabadeed waxaanna diyaar u nahay ayuu yiri intey doontaba ha nagu qaadatee inaan milishiyaadka ku qaadno dagaal ka dhan ah oo aan gobolkaasi kaga xureyneyno.

Isniintina madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu ku baaqay xabbad joojin dhammaeystiran in lala gaaro miliishiyaadka qunyar socodka ah si meesha looga saaro ‘kooxaha argagixisada ee aan nabadda dooneyn’.

Image captionDeegaankan wuxuu hoy u yahay dad ka badan 1.4 milyan oo ka soo qaxay dalka Suuriya qaybihiisa kala duwan

Wuxuuna sida oo kale Erdogan uu ka digay ‘Turkiga oo martigeliyey qoxooti Suuriyaan ah oo ka badan 3.5 milyan, inuusan aqbali doonin 800,000 oo qoxooti ah oo ay qaramada midoobay ku qayaastay iney ka soo qixi doonaan Idlib haddii ay dagaallo ka dhacaan.’

Sargaal sare oo ka tirsan qaramada midoobay Panos Moumtzis, wuxuu isna sheegay iney saraakiisha Ruushka ay shirka arrimaha bani aadaminimada ee Jeneva ka sheegeen ‘dadaal kasta oo nabad looga raadinayo dhibaatooyinka jira inuu Ruushka uu soo dhaweynayo’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here