Trump oo Maraykanka ka saaray Hay’adda WHO & go’aan adagna ka qaatay Soogalootiga

0
28

Trump oo Maraykanka ka saaray Hay’adda WHO & go’aan adagna ka qaatay Soogalootiga

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waqti kooban iyada oo laga joogo markii loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Dalkaas ee 47aad waxa uu qallinka la dul-tagay qodobo dhowr ah sida ka bixista Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Soogalootig & Cafis uu u sameeyay Taageerayaashiisa kol hore weeraray Aqalka Baarlamaanka ee Capital Hill.

Maraykanka waxa uu safka hore uga jiray Dalalka taageera Hay’addaan Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Caafimaadka, go’aanka Trump ayaa ka dhigaya in Xukuumadda Washington ay ka xiran doonto dhaqalaha badan ay siineysay Hay’addaan, taasi waxa ay shaki weyn gelineysaa sii shaqeynta WHO oo duruufo dhexda ka taagan.

Lacagta Maraykanka uu Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO u siin jiray waxa ay gaareysaa $500 oo Milyaan oo Doollar, dalka ku xiga ee Hay’addaan lacag siiya waa Shiinaha oo bixiya $39 Milyan oo doollar, farqiga bixinta dhaqalahaas kaalmada ah ayay Xukuumadda Washington ku tilmaamtay mid caddaalad darro ah.

Dhanka Soogalootiga:

Hoggaamiyaan inta badan ku hanjabi jiray waqtigiisa ololaha in uu sal goynayo soogalootiga badan ayaa sidii la filayay sameysay, markaan waxa uu kusoo daray in ubadka ay dhalaan dadka kasoo booda gidaarka in aan la siin doonin dhalashada Dalkaas, waa arrin muran badan dhalin karta marka la eego Hay’adaha u dooda xuquuqda dhallaanka.

Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu tarxiilo ama masaafuriyo dadka kasoo booday gidaarka ama darbiga kuwaas oo sifo sharci darro ah ku galay Dalka Maraykanka, waxaa tallaabadaan hoos imaan doonna in lagu dari doonno ubadka ay ku dhaleen Dalkaas dadkaan kasoo gudbay xadka uu amray in la adkeeyo si looga hortago tahriibayaasha.