Erling Haaland Manchester City u saxiixay heshiis dhacaya 2034

0
16

Erling Haaland Manchester City u saxiixay heshiis dhacaya 2034

Weeraryahanka u dhashay Dalka Norway Erling Haaland ayaa kooxdiisa Manchester City u saxiixay heshiis 10 sano ah oo ku siman sanadka 2034ta, waxaa maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay kooxo kala duwan oo raadinaya ciyaaryahankaas.

Haaland oo Man City u saftay 125 kulan waxa uu u dhaliyay 111 gool, 24 jirkaan ayaa horay ugu guuleystay kabka lagu bixiyo gooldhaliyaha sanadka ee Horyaalka Ingiriiska isaga oo wacdaro ka dhigay tartankii naadigiisu ku xaqiijiyay in ay difaacay markii saddexaad oo xiriir ah horyaalka.

Sida ay ku warrameen Warbaahinta ugu afka dheer Ingiriiska ee falanqeeya Arrimaha Cayaaraha, Naadiga Manchester City ayaa haaland oo qandaraaskiisa dhammaanayay sanadka 2027 ka dhigtay in uu gaarsiiyo 2034ta, lacag badan ayaana loo kordhiyay.

Macallinka Kooxda Kubadda Cagta Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in naadigiisa uu ku faanayo Haaland oo uu ku tilmaamay dhammeystire cajiib ah iyada oo aanay ka marnayn ka faa’iideysiga fursadaha uu ku dhex helo agagaarka shabaqa kooxda kasoo horjeeda xiligaas.

Pep oo bishii Nofeembar 2024 kordhiyay labo sano oo dheeraad ah ayaa markaan xaqiiqsanaya in aanay welwel ku hayn baacsiga kooxaha qaar ee ciyaaryahankaan ay ku hayeen oo haddii aan waqtiga laga dheereen ka dhigi lahayd in uu kubadda uga mashquulo mustaqbalkiisa.