Xamaas iyo Israel oo gaarey heshiis xabbad joojin ah
Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey xabbad joojin iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaal Qaza ka dib 15 bilood oo dagaal ah, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Maraykanka.
Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan gali doono maalinta Axada ah, ka dib markii ay ansixiyaan golaha wasiirada Israel.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay xabbad joojinta Qaza ay kordhin doonto gargaarka bini’aadantinimo ee loo baahan yahay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in laga shaqeynayo dhaqangalinta heshiiska. Hogaamiyaha Xamaas Khaliil al-Hayya ayaa sheegay in arrintaasi ay ka dhalatay adkeysiga Falastiin.
Dad badan oo Falastiiniyiin ah iyo qoysaska la haystayaasha Israa’iil ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xabbad joojinta.