Dowladda Federaalka oo si rasmi ah ula wareegtay amniga iyo xarumaha maamulka gobalka Hiiraan

0
37

Dowladda Federaalka oo si rasmi ah ula wareegtay amniga iyo xarumaha maamulka gobalka Hiiraan

Agaasimaha hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in maleeshiyaadkii hubeysanaa ee joogay xarumaha dowladda ay ku wareejiyeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa tilmmaamay in ay adkeyn doonaan ammaanga guud ee magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in xarumaha ay dowladda la wareegtay dib u dhis lagu sammeyn doono.

Sidoo kale, Sanbaloolshe ayaa carrabka ku adkeeya in dedaallada ay wadaan ay ummada danteeda tahay, isaga oo sheegay in aysan mar dambe dhici doonin in ay magaalada yeelato calamo badan, ayna muhiim tahay in la helo hal calan iyo hal maamul oo heshiis lagu yahay.

“Magaalada Baladweyne guud ahaan amnigeeda gaar ahaan xarumahii dowladda, waxaan ballan qaadeynaa in aan ammaankoodo sugno, waxaan sidoo kale ballan qaadeynaa sida ugu dhaqsiyaha baddan in aan dib u dhis ku sameyno.” ayuu yiri, Agaasimaha hay’adda NISA Cabdullahi Sanbaloolshe.

Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa tilmaamay dedaallada ay wadaan ay ummada danteeda tahay, sidoo kalena ay muhiim tahay in ay ummadda isla oggolaato hal maamul iyo calan ay wada leeyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday, dedaallo ay ku xallineyso khilaafyada ka dhex taagnaa magaalada Baladweyne, iyada oo qeybo kamid ah ku guuleysatay.