Dalalka martigeliyay Qaxootiga Suuriyaanka oo indhaha ku haya isbaddelka cusub ee Dalkaas ka dhacay
Dalal badan oo ah kuwa martigeliyay Qaxootigii dhowr iyo tobankii sano u dambeeyay isaga cararay Dalkooda hooyo ee Suuriya ayaa billaabay in ay indhaha ku hayaan isbaddelka cusub ee Dalkaas ka dhacan dhowaan ee lagu tuuray awoodda maamulkii kaligii taliska ahaa ee Bashaar Al-Asad.
Jarmalka ayaa fooga sare kasoo galay waddamada indhaha lagu hayo ee doonaya in ay si dhow uga warqabaan isbaddelkaas si dib u celin loogu sameeyo malaayiinta ruux ee Suuriyaanka ah ee sanadihii is daba xigay galay Dalkiisa.
Waxaa kale oo jira Dalal kale oo Yurub ah kuwaas oo doonaya in hoos isaga dhigaan culeyska ka heysta maarayntooda maadaama ugu yaraan ay dadkaas u baahan yihiin in lagu garab istaago raadinta wixii lagu caawin lahaa.