Lamine Yamal “Waligey Khamri ma cabbin mana cabi doonni, Jirkeygana Shabbad kuma buufin doonni”

0
52

Lamine Yamal “Waligey Khamri ma cabbin mana cabi doonni, Jirkeygana Shabbad kuma buufin doonni”

Da’yarka usoo baxay Xulka Qaranka Dalka Spain iyo Kooxda Barcelona waa Lamine Yamal ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu uga sheekeeyay markii xulkiisa uu ku guuleystay Koobkii Euro dabbaaldeggii ay sameeyeen ciyaartoydii ay xulkaas wada mataleen.

Lamine Yamal ayaa sheegay in uusan weligiis cabbin Khamri isla markaana uusan cabi doonnin maadaama aanay caafimaad ahaan iyo jir ahaan u wanaagsanayn sida uu hadalka u dhigay Ciyaaryahankaan mar wax la weydiiyay in uu Aalkolada cabo.

Yamal ayaa sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in uusan jirkiisa marin doonnin Shabadda (Tattoo), waxa uu ku sifeeyay in ay disho jirka aadanaha sidaas awgeed uu ciyaaraha Mustaqbal dheer ka leeyahay sida riyadiisu tahay.

Tusaale ayuu usoo qaatay Ciyaartoyda Kubadda Cagta sanadihii lasoo dhaafay ku loolamayay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionnel Messi, waxa uu si cad u sheegay in horumarka ay sameeyeen ku gaareen ilaalinta jirkooda inkasta oo Leo shabbad marsaday.

“Weligey ma cabin Khamri mana cabi doonno, intii aan ku jirnay dabbaaldeggii Euro in badan oo kamid ah Asaxaabteyda ayaa damacday in aan la cabo balse waan ka diiday, marka aad rabtid in aad horumar ka sameysid kubadda sida Lionnel Messi & Cristiano Ronaldo waa in aad ku dedaashaa caafimaadka jirkaaga” Lamine Yamal

Yamal ayaa da’da 17 sano galay 13kii Julaay 2024, isaga oo da’yar ah ayuu fursad ka helay Macallinka Xulka Qaranka Dalka Spain, ciyaaryahankaan asal ahaan kasoo jeeda Dalka Morocco ayaa ku qancay in uu dalkaan ka qaato dhalasho una safro.