Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in ay ka go’antahay qabashada doorasho qof iyo cod ah

0
20

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in ay ka go’antahay qabashada doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’antahay hirgalinta hannaanka dimuqraadiyadda ee doorasho qof iyo cod, xilli uu ka qeyb galey munaasabad ka dhacday Safaaradda UK, isla markaasna ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan Saaxiibadda Caalamiga.

Mudane Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay muhiim tahay fursad la siiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madaxda hoggaaminaysa, lana hirgaliyo doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan howlaha muhiimka ah Dimuqraadiyadda, si dalka u noqdo mid ammaan ah.