Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro oo Saraakiisha Ciidanka Somaliland kala hadlay adkaynta Amniga

0
23

Madaxwaynaha Cabdiraxmaan Cirro oo Saraakiisha Ciidanka Somaliland kala hadlay adkaynta Amniga

Madaxweynaha Dooran ee  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ammaanka isaga oo kala hadlay adkaynta amniga deegaannada Maamulkaas.

Saraakiisha la kulmay Cabdiraxmaan Cirro oo uu hoggaaminayay Nuux Taani taliyaha Ciidanka Militariga Somaliland waxa ay isla garteen in la xoojiyo nabadgalyada muddada kooban ee lagu jiro xaaladda isbaddelka hoggaanka.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa faray saraakiisha ciidamada ammaanka  Somaliland in ay heegan buuxa ku jiraan ilaa inta ay kasoo dhammaaneyso xilwareejinta Madaxweynihii hore ee Maamulkaas isla markaana uu saldhigayo maamulkiisa cusub.

La soco wixii kasoo kordha