Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay Xilka Madaxweynaha 6aad ee Somaliland

0
19

Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay Xilka Madaxweynaha 6aad ee  Somaliland

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cigaal (Cirro) oo Xisbiga Waddani ku metalay Doorashadii 13kii Bishaan ka dhacday Deegaannada Somaliland Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay Xilka Madaxweynaha.

Guddiga Doorashooyinka oo si kumeel-gaar ah ugu guuleystay Doorashada Maamulka Somaliland ka dhacday ku sheegay in ay codeeyeen Dad gaaraya 664,188 oo u dhiganta (53%), halka ku xigeenkiisa uu ku guuleystay Maxamed Cali Cabdi Muxumed.

Maxkamadda Sare  Somaliland ayaa loo gudbiyay Natiijada kasoo baxday Doorashada ee sida kumeel-gaarka ah u shaaciyay Guddigii howshaan qabtay, waxaana Xisbigii muddada dheer maamulka hayay haddii uu cabasho qabo uu heystaa 7 cisho oo maanta ka billaabaneysa.

Madaxweynaha guuleystay ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhowaan ku ololeeyay in uu sameynayo isbaddel weyn oo la xiriira siyaasadda Maamulka Somaliland, waxa uu hadallo adag uu kala hortagay Madaxweynihii uu ka guuleystay ee Muuse Biixi Cabdi.

Labada Xisbi ee ugu saameynta badnaa Doorashada Maamulka Somaliland ayaa kala ah: Kulmiye oo laga guuleystay iyo Waddani oo libinta ka helay codbixintii dhacday 13kii Nofeembar 2024 halka Xisbiga saddexaad uu ahaa UCID oo saameyntiisu yarayd.

HOOA KA DAAWO: