Xulka Jarmalka oo ka haray koobka adduunka kadib markii 2-0 loogaga badiyay

0
922

Xulka Jarmalka oo ka haray koobka adduunka kadib markii 2-0 loogaga badiyay

 

Xulka Jarmalka oo ku guuleystey ciyaarihii koobka adduunka ee ugu dambeeyay ayaa ku haray wareegga koowaad ee tartanka koobka adduunka ee ka socda dalka Ruushka.

Kulankii saddexaad ee ay ciyaareen xulka Jarmalka maanta taasoo la filayay in ay si sahlan ugaga badiyaan xulka Koofur Kuuriya ayaa noqotay mid isbedel ku yimid waxaana daqiiqadahii ugu dambeeyay ee ciyaarta Xulka Koofur Kuuriya u suurtogashay inay dhaliyana labo gool oo darandoori ah kadib markii xulka Jarmalka uu xoogiisa isugu geeyay sidii uu goolal ku dhalin lahaa.

Jarmalka ayaa wuxuu noqday xulkii afaraad ee kasoo jeeda yurub oo  ku hara wareegga koowaad ee group-ka isagoo difaacanaya koobka adduunka, waxaana ka horeeyay France (2002), Italy (2010) iyo sidoo kale Spain (2014).

Dhinaca kale,  Sweden ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka kadib markii ay 3-0 ugaga badiyeen xulka Mexico balse xulka Mexico ayaa ka soo gudbay wareega koowaad maadaama uu labadii kulan ee ay hore u dheeleen ay soo badiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here