Wasiirkii Difaaca Israel oo shaqada laga ceydhiyay

0
39

Wasiirkii Difaaca Israel oo shaqada laga ceydhiyay

Israel Katz ayaa si diiran u soo dhaweeyay booska loo magacaabay, isagoona ballanqaaday in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah, waxa uu ku sheegay cadowga Israel.

Warbaahinta afka Maamulka Israel ku hadasha ee KAN ayaa laga sheegay faafinta rasmiga ah ee xilka lagaga qaaday Wasiir Gallant.

Billihii u dambeeyay xiriirka Raysal Wasaare Netanyahu iyo Gallant ayaa ahaa mid aad u xun, ka dib markii Gallant uu dhaliilay qaabka ay xukuumaddu u wajaheyso wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.

Gallant oo xubin ka ah Xisbiga Likud ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaa bishii September wax laga xumaado ku tilmaamay habka ay xukuumadda u wajaheyso wada hadalada nabadda Gaza iyo qorshaha sii deynta ee Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza.

Gallant ayaa sidoo kale xukuumadda ku dhaliilay in sii deynta dadka looga haysto Gaza ay ka hormarineyso inay mudnaan siiso, sidii ay Ciidamada Israel ku sii joogi lahaayeen Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Xil ka qaadistiisu waxay hadda timid, ka dib markii maalin ka hor uu sheegay in Israel ay soo food saartay ciidan la’aan, isla-markaana ay u baahan tahay in ciidamo cusub ay qorato.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Gallant uu u ololeynayay in la soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee ka soconaya Gaza, si la haysteyaasha Israeliyiinta ay iyagoo nool dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Xil ka qaadistiisa ayaa lagu soo aadiyay, iyadoo indhaha caalamka oo dhan ay ku sii jeedaan doorashada madaxtinimada ee dalka Mareykanka.