Noocyada Joodariga Ama Furaashka: Kuwa Cafimaadka Uroon Iyo kuwa Udaran

0
38
xr:d:DAFqyLMrHyE:2,j:5735733011786722205,t:23080616

Noocyada Joodariga Ama Furaashka: Kuwa Cafimaadka Uroon Iyo kuwa Udaran

wuxuu joodarigaan ka hortagaa inay sinaha iyo barida nabro ku yeeshaan dadka naafada ah maadaama muddo ay sariir saarnaanayaan oo aysan isgadin karin. joodariga waa la buufiyaa sida taayarka baabuurta oo kale.

Joodariyada afartaas nuuc loo sameeyay ayaa caafimaad ahaan jirka u roon, sababtoo ah sida an kor ku soo tilmaannay, ma ahan adeeg sida dhulka oo kale oo cadaadis saarayo jirka meelaha uu ka fiiqan yahay sidan sinaha, garbaha, jilbaha iyo qoobabka. mana hana jileec hoos u diismayo oo jirka qallooc galinayo, kadibne aad la soo toosaysid dhabar xanuun iyo murqo xanuun.

Haddii aadan heli karin nuucyada halkaan ku xusan, ku dadaal in joodarigaagu uusan ahayn mid aad u jilicsan oo markaad ka soo toostid, weli jirkaagu uu ku sawiran yahayn, muddo markaad ku jiiftidne uu dhexda god ka noqonayo, kaasi caafimaadka uma roona. waxaad kaloo iska ilaalisaa nuuca aadka u adaga oo aadan dareemaynin in aad joodari ku jiiftid iyo in kale ilaa inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.

Nuucyada badanaa dalka la keeno waa nuuca isbuunyada, laakiin qaar badan oo ka mid ah ma lahan tayo oo maalmo ka dib, way isbadalaan. waxaana laga qaadaa dhabar xanuun iyo caajis badan.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Xigasho: somalidoc.com