Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo ka digay ereyada adag ee musharrixiinta isku adeegsanayaan
Guddiga Doorashooyinka Somaliland gaar ahaan qaybta qaabilsan dhinaca Anshaxa ayaa ka digay ereyada adag ee Musharrixiinta is dhaafsanayaan si aanay la iska hor keenin Bulshada kala taageersan dhinacyadaan.
Waxaa musharrixiinta la xusuusiyay in ay ilaaliyaan Dastuurka, Anshaxa iyo habraaca loo diyaariyay in Xisbiyada iyo Ururrada ku ololeeyaan, waxaana looga digay in ay meel iska dhigaan dhammaan shuruudaha la hordhigay.
Xisbiyada mucaaradka ah iyo kan talada haya ayaa hadallo adag is dhaafsay wajiga koowaad ee ololaha Doorashada, dhinac weliba waxa uu dhanka kale ku eedeeyay in uu dhibaatooyin ka shaqeynayo isla markaana dadka codeynaya aanay codkoodu siin.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa u dejiyay Jadwalka ololaha Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan, Doorashada waqtiga ay dhaceyso ayaa ku beegan 13ka Nofeembar 2024.