Doorashada indhaha lagu wada hayo ee Maraykanka & loolanka labada Xisbi

0
37

Doorashada indhaha lagu wada hayo ee Maraykanka & loolanka labada Xisbi

Dunida waxa ay indhaha ku heysaa Doorashada 5ta Bisha soo socota Nofeembar 2024 ka billaabneysa Dalka Maraykanka oo sanadkaan ay ku loolamayaan Donald Trump oo laga adkaaday sanadkii 2017kii iyo Kamala Harris oo haatan ah Madaxweyne ku xigeen.

Trump & Harris ayaa u xusul duubaya kursiga Madaxweynaha 47aad ee Dalka Maraykanka, waxa ay labada Musharrax ku hoos jiraan dalladaha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo marka la eego ololaha Doorashada kala metalayaan.

Ku dhawaad 186.5 Milyan oo Ameerikaan ah ayaa codeyn doonta kuwaas oo codbixintooda natiijada kasoo baxda la shaacin doonno cidda ku guuleysatay Madaxweynaha soo socda Maraykanka ee horraanta 2025 Xafiiska la wareegi doonna.


Doorashadaan waa tii ugu horreysay ee Dad badan ku dooq beeleen maadaama Harris iyo Trump mid uun dooro noqotay, sababta wareerka keentay waa in Kamala maamulkeeda ay ku fashilantay daminta dabka Bariga Dhexe, halka Donald uu go’aan adag yahay.

Ololaha Doorashada ee Kamala Harris & Donald Trump sida lagu muujiyay xog-baaris la sameeyay waxaa la ogaaday in gobollo badan ay isku dhow yihiin, waxaa jira Meelo kale oo laga eegayo goobaha ay ku kala hari karaan labadaan Musharrax.

Siyaasiyiin Xilal kala duwan Dalkaas kasoo qabtay, Fannaaniin & Dad kale oo Bulshada magac ku dhex leh ayaa ku milmay Siyaasadda, waxa ay codbixiyaashu weydiisteen in ay codkooda siiyaan hadba musharraxa uu xiligaas u ololeynayo.