Ruushka Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xuutiyiinta Yemen ka Caawiyo Gantaalo iyo Dayyax gacmeed

0
17
FILE PHOTO: Houthi military helicopter flies over the Galaxy Leader cargo ship in the Red Sea in this photo released November 20, 2023. Houthi Military Media/Handout via REUTERS

Ruushka Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xuutiyiinta Yemen ka Caawiyo Gantaalo iyo Dayyax gacmeed

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay inuu Ruushka gacan ku siinayo kooxda Xuutiyiinta Yemen , isagoo ku caawinaya macluumaadka xogta dayax-gacmeedka inay si sax ah u beegsadaan maraakiibta ay weerarrayaan, tan oo ay dheertahay inuu Ruushka sidoo kale awood siinayo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta si ay u gaaraan bartilmaameedyada la beegsanayo.

Sidoo kale waxa la sheegay in xogta nidaamka dayax-gacmeedka inuu Ruushka u diro xubno ka tirsan ilaalada kacaanka Iran oo ku sugan gudaha Yemen oo gacan ka siinaya Xuutiyiinta horumarinta weerarrada ay qaadayaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay ujeeddada uu Ruushka u taageerrayo Xuutiyiinta inay tahay sidii uu Mareykanka ugu mashquulin lahaa xiisadda bariga dhexe , taa oo saameyn ku yeelanaysa taageerrada Mareykanka uu siinayo Ukraine.