Canada oo muddo labo sano ah dhintay tirada soogalootigii ay qaadan jirtay sanad weliba

0
25

Canada oo muddo labo sano ah dhintay tirada soogalootigii ay qaadan jirtay sanad weliba

Dowladda Canada oo kamid ah Dalalka inta badan sanad weliba qaata dad badan oo Soogalooti ah ayaa shaacisay in ay hoos u dhigtay 21% Dadkii ay qaadeysay muddo 2 sano ah oo si loo xakameeyo dhibaatooyinka dhaqaale ee Dalkaas ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha Canada iyo Wasiirkiisa soogalootiga ayaa si wadajir ah u sheegay in ay hoos u dhigeen qaadista Dadka ilaa inta laga xakameynayo ama la isku jaangoynayo fursadaha dhaqaalaha iyo bulshada dalkaas ku nool.

Dadka ay qaadan jirtay Canada oo ah 500,000 waxa ay Dowladdu hoosta ka xariiqday in ay ka dhigtay 395,000 taasi oo ka dhigan in boqolkiiba 21 ay hoos u dhigtay Dadkii ay qaadi jirtay sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Xukuumadda.

Canada waxa ay kamid tahay Dalalka martigelinaya Koobka Adduunka ee sanadka 2026ka ka dhacaya Waqooyiga Qaaradda Ameerika iyada oo shuraako la noqoneysa Waddamada kala ah Mexico iyo Maraykanka.

Ciyaarahaan ayaa soconaya 11ka Juun ilaa 19ka Julaay sanadkii 2026, waxa ay Xukuumadda Justin Trudeau billowday qorshe ay ku dooneyso xoojinta dhaqaalaha Dalkaas si aanay fadeexo dhanka dhaqaalaha ah dhexda ka gelin.