Turkiga oo weeraro aargudasho ah ka fuliyay gudaha Suuriya iyo Ciraaq

0
23

Turkiga oo weeraro aargudasho ah ka fuliyay gudaha Suuriya iyo Ciraaq

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in ciidamadeeda xalay duqeeyeen goobo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya, oo lala xiriirinayo kooxda Kurdiyiinta ee PKK. Duqeyntan ayaa timid kaddib weerar ka dhacay meel u dhow Ankara, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan shan qof.

Muuqaalo laga helay weerarkii dhacay Arbacadii ayaa muujinaya laba qof oo qoryaha ku ridaya agagaarka albaabka warshadaha hawada sare ee Turkiga (TAI), oo ku yaalla 40 km ka baxsan caasimadda. Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ku dhaawacmay 22 qof.

Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in 32 bartilmaameed oo argagixisada ah si guul leh loo burburiyay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa weerarka TAI ku tilmaamay “mid aad u fool xun” isagoo arrintan ka hadlaya boggiisa X. Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Yerlikaaya, ayaa sheegay in labada qof ee weerarka geystay, oo haweeney iyo nin ahaa, la dilay “laga hortagey” iyo in weerarkaasi uu u badan yahay in ay ka dambeeyaan PKK.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Turkiga, Maraykanka, iyo UK ka mamnuuc ah, wuxuuna la dagaallamayaa dowladda Turkiga tan iyo 1980-meeyadii si loo helo xuquuq dheeraad ah oo la siiyo Kurdiyiinta tirada yar ee dalkaas.