Carabta dhalashada labaad ka heysata Maraykanka oo kala dooqan la’ Trump & Harris

0
21
Demonstrators participate in a protest by the Yemeni community against U.S. President Donald Trump's travel ban in the Brooklyn borough of New York, U.S., February 2, 2017. REUTERS/Lucas Jackson - RC1147904600

Carabta dhalashada labaad ka heysata Maraykanka oo kala dooqan la’ Trump & Harris

Sida ay muujinayaan warbixinnada laga helayo Dalka Maraykanka, Dadka carabta ah ee dhalashada labaad ka heysta Dalkaas waxa ay ku jahwareersan yihiin ciddii ay codkooda siin lahaayeen marka la eego labada musharrax ee u taagan xilka Madaxweynaha.

Trump waxa ay ku diidan yihiin in uu yahay Nin go’aan adag oo marweliba ku goodiya inuu dalkiisa ka mamnuucayo soo galootiga iyo muwaadiniinta Dalalka qaar, halka Kamala Harris muddo xileedkeeda dhibaatooyin xooggan oo ka dhacay Bariga Xisbigeeda ka qaybgalay.

Khubarrada sida dhow ula socda doorashada maalmaha kooban ka dhiman ee ku beegan 5ta Nofeembar 2024, Dadka carabta ah ayaa xitaa gaaray heer aysan codeyn maadaama labada musharrax wax farqi ah u dhaxeyn.

Dadkaan Carabta ah ayaa ku dooday in dadkoodii lagu laayay waddamada ay asal ahaan kasoo jeedaan, halkii la rabay Dalka ay ka heystaan dhalashada labaad in uu Israa’iil gacmaha ka qabto ku taageeray hubkaas lagu xasuuqayo